“Dhaqanka Soomaalida waa hab nololeedka iyo nidaamka dhaqan ee dadka Soomaalida ah; taasi ooy ka mid tahay luuqada, cuntada, suugaanta, fanka, farshaxanta, habaynta iyo soo bandhiga heesaha Soomaalida, ruwaayadaha, majaajilooyinka u dhaqanka ah dadka Soomaalida ah meelkasta ooy joogaan, gaar ahaan inta ku dhaqan Bariga Afrika. Guud ahaan, dhaqanka Soomaalidu waa haybada iyo sharafta u gaarka ah bulsho weynta Soomaalida meel kastooy caalamka kaga dhaqan yihiin. Sidoo kale, dadka ku hadla Af Soomaaliga waxay leeyihiin fan iyo suugaan aad u heersareeya, qani ku ah aqoon iyo xirfad qoto dheer. In kastoo fanka maanta jira yahay mid aad u da’ yar wuxuu leeyahay waaxyo iyo noocyo aad u badan. Kuwaasi waxaa ka mid ah heesaha qaaciga, qaraamiga, heesaha jaaska, ruwaayadaha, majaajiloyinka, filimaanta, bandhigyada fanka, qoob-ka-ciyaarka iyo guud ahaan madadaalada ku baxda luuqada Soomaaliga.” Hadaba halkan waxan kugu soo gudbinyaa qaar ka mida xikmadaha u dhaqanka ah somalida
1: Qofna ha canaanan si aan adiga laguu canaanan.
2:Waxaan bartay in aysan muhiim ahayn “maxaad hadda haysaa”, laakiin ay muhiim tahay “xaggee daqiiqaddaan kaddib rabtaa inaad gaartid”.
3:Geesinimadu waa qofka oo cabsidiisa xakameeya ee mahan qofka oo ay cabsidu ka guurto.
4:Masaafada u dhaxaysa riyada iyo runta waxaa la yiraahda ficil. La imow ficil si riyadaadu ay isugu rogto run.
5: Saaxiibka beenta ah wa sida harka oo kale, had iyo jeer wuu kula socda xilliga aad iftiinka ku jirtid lkn ma arkaysid xilliga aad mugdiga ku jirtid.
6:Intii hankaagu jiro ayey dadnimadaadu jirtaa.
7:Farxadu waxay kaa dhigaysaa mid wanagsan oo la jeclaysto, isku day inaad abidka faraxsanaatid.
8:Waligaa kuma noolaanaysid nolol farxad leh hadii ad ka walwalysid waxa ay dadka kale kaa aaminsanyihiin.
9:Qurux ma ahan in aad leedahay waji nuuraya lakiin waa in aad leedahay maskax qurxoon, wadne qurxoon iyo naf naf qurxoon.
10:In aad wax dhagaysato waa faaiido, in aad wax akhrisaa waa horumar balse in aan wax qortaa waa haybad.
11: Hadii aad doonaysid in aad gaartid horumar aan macquul ahyn oo sare u fakar si aan loo fakarin.
12: Taariikhdaada iyo hab nololeedkaaga ayaa ka turjumaya qofka aad tahay, laakiin adiga ayaa ka masuul ah qofka aad noqon doontid mustaqbalka.
13:Waqtigu waa khayraadka noloshaada, waa khayraadka kaliya ee aad haysatid, waxaad go’aan ka gaari kartaa sida aad u bixinaysid khayraadkaas hubi halka aad ku bixinaysid iyo waliba sida aad u bixinaysid khayraadkaas.
14: Tuugu waa midka ku xada, dilaagu wuxuu laaya dadka, laakiin beenlow ma lahan jaho loo raaco.
15:Dulqaadku waa geed kharaar oo soo saara miro macaan-
16: Kasbo inta aad awoodid, bixi inta aad awoodid, kaydso inta aad awoodid-
17:Qofka aan lahayn mala-awaal ma lahan baadad-
18:U duul dayaxa haddii aad awoodi waydid waxaad dagaysaa xidigaha.
19: Nasiibku waa marka ay kulmaan diyaargarowga iyo fursadu-
20:Balan kasta waxa ay leedahay qiime.
21:Lacagtu waxa ay kuu gadi kartaa daawo lakiin kuuma goyso caafimaad.
22:Dad badan ayaa iska dhigaya wax aysan ahyn markaas waxay ilaawan waxay ahaayeen waxaana dhuma awoodohoodi.
23: Noloshu waxa aay aadka ugu dhowdahay wa dhimashada.” —
24:“markii aad dhalatay, waad ooyday aduunkuna wuu farxay(ehelka), u noolow si marka aad dhimatid aduunku kuugu ooyo adiguna aad u faraxsanaatid. ” —
25: wax badso wax beel bay dhashaa
No comments:
Post a Comment